Donny van de Beek oo Saaxiibadiisa Ajax u Sheegay Kooxda uu Ku Wajahanahay.

0
657

Man United-(Idaacadda Waamo) Xiddiga khdka dhexe ee Kooxda Ajax ee Donny van de Beek ayaa Lagu Soo Waramayaa in uu Doortay Kooxda uu u Wareegayo Xagaana Waliba Haatanba u sheegay Xiddigaha ay isku Kooxda yihiin ee Ajax.

Xiddiga Donny van de Beek ayaa La Filayaa in uu isaga Tago Kooxda Ajax inta Lagu Jiro Suuqa Kala iibsiga Xagaagan Kadib Xilli Ciyaareedyo Cajiib ah oo uu Kusoo Qaatay Kooxda Ajax.

Wararka Ka imanay Dalka Holland ayaa Sheegaya in uu Xiddiga Reer Holland Doortay inuu Ku Biirayo Kooxda Reer England ee Man United inta Lagu Jiro Xagaagan.

Donny van de Beek ayaa Maalmihii ugu Dambeeyay Lala Xiriirinayaa Kooxda Barcelona Laakiin Xiddiga ayaa Doortay in uu u Dhaqaaqo Kooxda Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.