Kulan Ku Saabsan Baraarujinta Waalidka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

0
295

Muqdisho (Idaacadda Waamo)- Kulankan oo ay soo agaasinta Xaruunta Guryosamo oo ka shaqeysta horumarinta qoyska ayaa diiradda lagu saaray sidii waalidiinta loogu baraarujin lahaa ka warqabka carruurtooda si uu u hagaago mustaqbalkooda, ugana nabad galaan qataro badan oo ay la kulmaan sida  isticmaalka maandooriyaha iyo ka shaqeynta faldambiyeedyo badan oo ay ka midyihiin baadiyeynta iyo  ceebeynta hablaha Soomaaliyeed oo dhibaatooyin kala kulma qaar ka mida raga oo halis ku ah mustaqbalkooda.

Kulanka oo ay ka qeybgaleyn qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waalidiinta iyo masuuliyiintii goobta ka hadlay waxay ku dheeraadeen dhibaatada ay dhallinyarada ka dhaxlaan maandooriyaha iyo sida ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta sharafta gabdhaha Soomaaliyeed, iyagoo ku baaqay in hal meel looga soo wadajeesto sidii loo badbaadin lahaa mustqbalka dhallinyarada oo ubad dhaxaad u ah horumarka dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa si adag uga hadlay dhibaatada uu maandooriyaha ku hayo dalka iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo.

Gabagabadii waalidiinta iyo masuuliyiinta ka soo qeybgalay kulanka ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay xakameyso oo gacan adagna ku qabato dadka dalka soo galiya maandooriyaha iyo kuwa ka ganacsada intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.