Dad ay Soomaali ku jiraan oo laga soo badbaadiyay Xeebaha Turkiga

0
331

Kismaayo-(Idaacadda)-Inta la xaqiijiyay ilaa 51 Ruux oo ay soomaali ku jiraan ayaa laga soo badbaadiyay doon ay saarnaayeen, Xeebta Gobolka Aegean ee dalka Turkiga , kaidb markii dadkaasi ay jihada ka luntay xilli ay doonayeen inay tahriib Yurub ku galaan.

Dadkaan ayaa la xaqiijiyay in 15 kamid ah yihiin Soomaali yihiin halka dadka kale ay u dhasheen dalal kale oo u badan Afrikaan, in kastoo weli sirasmi ah loo shaacin dalalka ay ka yimadeen.

Dhanka kale, 21 magangalyo-doon ah ayaa kooxaha badbaadada xeebta ee dowladda Turkiga ka soo badbaadiyeen dooni caag ah oo ku qarqantay xeebta Bodrum ee dalkaasi Turkiga, iyada oo la geeyay saldhig ay Ciidamada ilaalada Xeebaha ku leeyihiin Magaalada Bodrum ee dalkaasi Turkiga.

dhowr jeer oo hore ayaa dad ay Soomaali ku jiraan waxaa ay doon kula qalibantay xeebaha dalka Turkiga, kuwaas oo ay kasoo gaartay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, halka qaarkood la xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.