Kooxda Ajax oo shaaca ka qaaday xaqiiqada wararka ku aadan inay la saxiixaneyso Luis Suarez

0
327

Yurub(Idaacadda Waamo)Agaasimaha ciyaaraha kooxda Ajax Marc Overmars ayaa shaaca ka qaaday in fursadda ay kula soo saxiixanayaan xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga ay tahay mid yar.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa waxay xaqiijiyeen in Luis Suarez uu dhawaan ka tagi doono Barcelona, ​​kaddib markii lagu wargaliyey in aanu qayb ka ahayn qorshayaasha kooxda ee xilli ciyaareedka soo socda.

Ajax ayaa la tilmaamay inay tahay kooxda ugu cadcad ee la saxiixan karta Luis Suarez oo 33 jir ah, gaar ahaan maadaama uu horey ugu soo ciyaaray kooxda reer Holland muddo afar sano ah kahor inta uusan ka tagin sanadkii 2011.

Wararka ayaa waxay sidoo kale intaas ku sii darayaan suurtogalnimada uu Luis Suarez ugu dhaqaaqi karo kooxda David Beckham ee ka dhisan dalka Mareynkanka Inter Miami, waxayna u muuqataa in go’aankan uu noqon doono midka ugu dhow marka la eego waxa Overmars ku sheegay bayaankiisa.

Sida lagu daabacay shabakada “Goal” Agaasimaha ciyaaraha kooxda Ajax Marc Overmars ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu shaaca kaga qaaday:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.