RASMI: UEFA oo Soo Saartay Xiddigaha Ku Tartami Doonaan Xiddiga Ugu Fiican Champions League Todobaadkan.

0
354

Portugal-(Idaacadda Waamo)UEFA ayaa Soo Saaray Liiska 4-ta Xiddig ee u Tartami Doona Xiddiga ugu Fiican Kulamadii La Ciyaaray Afar Dhamaadka Tartanka yurub ee Champions League oo La Ciyaaray Todobaadkan.

Waxaa Xalay ugu Dambeyn La Go’aamiyay Labada Kooxood ee isaga Hor iman Doona Finalka Champions League Xilli Ciyaareedkan Taariikhiga ah ee 2019/2020.Image

Kooxda PSG ayaa Guul Weyn oo 3-0 Kasoo Gaartay Kooxda Reer Germany ee RB Leipzig Halka ay Kooxda Reer Germany ee Bayern Munich iyaduna ay Guul Dahabi ah Kasoo Gaartay Kooxda Reer France ee Lyon.

Labada Kooxood ee Finalka Tartanka isugu yimid oo Kala ah France iyo Germany ayaa Soo Kala Reebay Laba Kooxood oo France iyo Germany ah.

UEFA ayaa Soo Xulatay 4-ta Xiddig ee Ku Tartami Doona abaalmarinta Xidiga ugu Fiican Champions League Kulamadii Semi-final-ka.

Aafrta Xiddig ayaa Kala ah Angel Di María (PSG), Serge Gnabry (Bayern Munich), Neymar (PSG) iyo Robert Lewandowski (Bayern Munich) ayaa Ku Kala Calaf Qaadan Doona Abaalmarinta Xidiga Todobaadkan Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.