PSG oo Markii ugu Horeysay Iska Xaadirisay Finalka UEFA Champions League.

0
472

Portugal-(Idaacadda Waamo) Kooxda PSG ayaa Si Qurux Badan uga Badisay Kooxda Reer Germany ee RB Leipzig iyagoo Iska Xaadirisay Finalka Champion-ka Kadib Marki ay Garaaceen Kooxda RB Leipzig  oo ay uga Talaabsadeen Sadex Gool oo Nadiif ah

Goolka Koowaad ee Kooxda PSG ayaa yimid Daqiiqadii 13 waxaa U Dhaliyey Xidigooda Marquinhos waxaa Ka Caafiyey Xidiga Di Maria Sidaas ayeyna Hogaanka Ciyaarta Kooxda PSG Kula Wareegtay.

Weeraro Isdaba Joog ah oo ay Wadeen Kooxda PSG ayey ugu Suuro Gashay in Goolka Labaad Ciyaarta La Imaadaan Waxaana U Dhaliyey Xidiga Goolka Hore Caawiyey ee Di Maria.

 Qeybta  Labaad ayaa ku Bilaawatay Cadaadis badan oo Soo Korey Kooxda Hogaanka Ciyaarta Heyso ee PSG Cadaadiskaas ayaa uga Imaanayey Kooxda Kasoo Horjeeda ee RB Leipzig, Kooxda PSG ayaa Sii Waday illaa Gool Sadexaad ay Keenaan , Waxaana Goolka Sadexaad ay uga Mahadcelinayaan Xidigooda ee Barnet Sidaas ayeyna Rajadii Kooxda Reer Germany ee RB Leipzig Kusoo Gabagabowday.

Ciyaarta Dhex Martay Labada Kooxood ee PSG iyo RB Leipzig ayaa Waxaa Xidiga Garoonka La Gudoonsiiyey Xidiga Angel Di Maria Kaas oo Gool Dhaliyey Labo Caawina SameeyeyImage

Kooxda PSG ayaa Markii ugu Horeysay Waxa ay Soo Gaartay Finalka Tartanka Xiisaha Badan ee UEFA Champions League Waxaana ay Doonayaa Iney Ka Miro Dhaliyaan Lacagaha badan ee Kooxda PSG uu Galiyey Milkiilaha Reer Carbeed .

ImageImage

ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.