Owen Hargreaves oo ku booriyay kooxda Manchester City inay sameyso saxiixa xiddiga Lautaro Martínez.

0
307

England(Idaacadda Waamo)Halyeeyga kooxda Manchester United ee Owen Hargreaves ayaa ku booriyay Manchester City inay la soo wareegto xiddiga reer Argentina iyo naadiga Inter Milan ee Lautaro Martínez.

Xiddiga Nerazzurri ayaa wuxuu bar-tilmaameed xoogan u ahaa kooxda Barcelona inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga, halka Manchester City ay raadineyso bedelka Sergio Aguero, kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo June 2021.

Shabakada “Goal” ayaa waxay shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Owen Hargreaves, wuxuuna yiri:

“Lautaro Martínez wuxuu leeyahay wax walba, waa nin xirfadle ee dilaa ah, waa 22 sano jir oo kaliya”.

“Barcelona ama Manchester City, waxay heli doonaan ciyaaryahan runtii qaas ah”.

Qandaraaska Lautaro Martínez ee kooxda Manchester City ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga 2023, kaddib markii uu kaga soo biiray naadiga Racing Club ee dalka Argantina bishii Luulyo 2018.

Waxaa xusid mudan in Lautaro Martínez.uu ka qeybgalay 48 kulan oo kooxda Inter Milan tan iyo bilawgii xilli ciyaareedka 2019/20 tartamada oo dhan, wuxuuna dhaliyay 21 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.