RASMI: Barcelona oo Si Rasmi ah Shaqadii Tababaranimo uga Cayrisay Tababare Quique Setien.

0
236

Spain-(Idaacadda Waamo) Maamulka kooxda Barcelona ayaa Si Rasmi ah ugu Dhawaaqay in Shaqadii Tababaranimo ee Kooxda Barcelona Laga Cayriyay Tababare Quique Setien Kadib Kulan Saacado Qaatay oo ay Madaxda Kooxda Barcelona yeesheen.

Tababare Quique Setien ayaa Shaqadii Tababaranimo ee Barcelona Laga Cayriyay Kadib Markii ay Kooxdu Xili Ciyaareedkan Ku Dhamaysatay Koob La’aan isla Markaana ay Qaab Xun uga Hareen Tartanka Champions League oo ay Bayern Munich Kala Kulmeen Guuldaro 8-2 ah.Image

Maamulka kooxda Barcelona ayaa Sidoo Kale Ku Dhawaaqay in Doorashada Madaxtinimo La Qaban Doono March 15,2021 inkasta oo aanu Kaasi ahayn Go’aankii ay Doonayeen Dadka isbadalka Buuxa Ka Doonaya Camp Nou.

Laakiin Tababare Quique Setién oo Markii La Magacaabay ay Dad Badani Sii Saadaaliyeen in aanu Ku Haboonayn Shaqadii Cuslayd ee uu Tababare Valverde Ku Fashilmay ayaa Markan isla Kulmay Shaqo Ka Cayrin isaga oo aan Wax Koobab ah Kooxda Kula Guulaysan.

Barcelona ayaa Shaacisay in Maalmaha Soo Socda ay Ku Dhawaaqi Doonaan Tababaraha Cusub ee Badali Doona Quique Setién Kaas oo La Fariisan Doona agaasimaha Ciyaaraha ee Eric Abidal Waxayna isla Qaadan Doonaan isbadalada ay Kooxda Kowaad u Baahan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.