Ole Gunnar Solskjær oo sheegay waxa ka maqan Manchester United kaddib guuldarradii Sevilla

0
337

Yurub(Idaacadda Waamo)Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa carabka ku adkeeyay in ciyaartoyda Red Devils ay u baahan yihiin inay wax bartaan.

Kooxda Sevilla ayaa iska xaadirisay finalka Europa League kaddib markii ay kaga adkaatay Manchester United 2-1, kulankii wareega afar dhamaadka UEFA Europa League.

Shabakada “BBC” ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay tababare Ole Gunnar Solskjær kaddib ciyaarta, wuxuuna yiri:

“Haddii aan dhalin laheyn mid ka mid ah fursadihii aan helnay waxaan ku guuleysan laheyn si raaxo leh”.

Waxaan marnay waqtiyo adag ee labada qeybood ah oo aanl ku dhalin laheyn xoogaa goola ah, waxaan heysanay koox da’ayar ah, xilliyada qaar waxay muujiyeen in ciyaartoydan ay tahay inay sii wadaan inay wax bartaan”.

“Xaqiiqdii waxaan u baahanahay inaan horumar sameyno si aan ugu dhaqaaqno meesha ugu sarreysa, isla markaana aan talaabo ugu qaadno sida aan ugu guuleysan laheyn koobab, weligey maan ciyaarin seddex semi-final ah hal xilli ciyaareed gudaheed”.

“Waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan u horumarin laheyn waxa aan heysano, waxaan ku soo dhibtoonay waqtiyo ay jireen dhaawacyo, arrinta ma ahan mid ku xiran heshiisyo, balse waxay ku saabsan tahay tayada iyo shaqsiyadda saxda ah ee ku habboon kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.