Mustaqbalka Tababare Pep Guardiola Oo Mugdi Galay Kaddib Guul-darradii Champions League

0
287

England-(Idaacadda Waamo) Manchester City ayaa Calaamadsatay Tababarihii Bedeli Lahaa Pep Guardiola oo Mustaqbalkiisa Kooxda Shaki Galay Kaddib Markii ay Kooxda Lyon Si Xun ugu Garaacday Tartanka Champions League ee Xili Ciyaareedkan.

Tababare Mauricio Pochettino oo ay Diiradda Ku Hayso Kooxda Barcelona , isla Markaana ay Doonayso inuu u Beddelo Quique Setien oo La Filayo in Shaqada Laga Caydhiyo Isbuucaan, ayaa Waxa Kale oo ay Fursad uga Soo Baxaysaa Horyaalka uu aadka u Jecel yahay inuu Tababaraha Kasii ahaado ee Horyaalka Premier League.Mauricio Pochettino: 'I'm so happy José is at Tottenham, replacing ...

Tababarahan Reer Argentine ayay Suurtogal Tahay inuu Gacanta Ku Dhigo Kooxda Sida Weyn u Dhisan ee Manchester City oo uu Ka Beddelayo Pep Guardiola oo uu Gabaabsi yahay Waqtigii Heshiiskiisu, isla Markaana Ka Warwareegaya inuu Qandaraas Cusub Saxeexo.

Sida Lagu Qoray Wargeyska The Sun, Manchester City Waxay Ka War Sugaysaa Tababare Guardiola inuu Go’aankiisa Cadeeyo Haddii uu Kordhinayo Heshiiska iyo Haddii uu Tegayo Maadaama Heshiiskiisu uu Gabaabsi Marayo, Si ay Beddelkiisa u Doontaan Ka hor inta Macallimiinta Wanaagsan ee Shaqo La’aanta ah aan La Wada Qaadanin.

Tababare Guardiola ayaa Bishii Hore Qiray in Guddoomiyaha Kooxda ee Kaldoon al Mubarak aanu Ku Qanacsanayn Shaqada ay illaa Hadda Qabanayaan, Gaar ahaan Haddii ay Faro Maran Kaga Baxaan Tartamada Champions League iyo FA Cup oo ay Labadaba Ka Faro Maran yihiin.

Pochettino oo ay Da’diisu tahay 48 jir, Horena usoo Layliyey Kooxo ay Ka Mid yihiin Espanyol, Southampton iyo Tottenham ayaa Lala Xiriirinayaa Kooxda Barcelona oo Cayrinaysa Tababare Quique Setien, Waxayna Manchester City Doonaysaa in ay Kaga Horreyso oo ay u Magacowdo Tababaraheeda Cusub Haddii uu Guardiola Heshiiska Kordhin Waayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.