Man United oo Laga Reebay Tartanka Europa League & Sevilla oo Finalka Gaartay.

0
97

Germany(Idaacadda Waamo) Kooxda Sevilla ayaa Garaacday Kooxda Man United iyaga oo ka Reebay Tartanka Europa League Xilli Ciyaareedkan iskana Xaadiriyay Final-ka Tartanka.

Kulanka ayaa ahaa Mid uu Solskjaer Kusoo galay Shaxdiisa ugu adkeyd isaga oo Markii ugu Horaysay Europa League Xilli Ciyaareedkan Shaxdiisa Ku Bilaabay Goolhaye Koowaad ee Kooxda ee David De Gea.

Red Devils ayaa Si Dar-dar Leh Ku Bilaabatay Ciyaarta iyaga oo Doonayay in ay Sevilla Ka Horeeyaan Gool Khal-khaliya Si ay Ciyaartu Hogaankeeda u Qabtaan .

Man United ayaa Heshay Wixii ay Doonaysay iyaga oo Daqiiqadii 9-aad Helay Rikoore uu Dhaliyay Xidiga Reer Portugal Bruno Fernandes Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 1/0 Hogaankana u Dhiibay Kooxdiisa .

Kooxda Man United ayaa Wixii Goolkaas Ka Dambeeyay Ciyaarayay Weeraro Rogaal Celis ah iyaga oo adeegsanayay orodka badan ee Xiddigaha Weerarka uga ciyaara Dhawr Jeerna Ku Dhawaaday in ay Sii Dheeraystaan Hogaanka Ciyaarta.

Daqiiqadii 26-aad ayay Kooxda Sevilla Dhalisay Goolka Bar-baraha iyaga oo uu u Dhaliyay Xiddigii Hore ee Kooxda Ac Milan ee Suso Kaas oo Gool Qurux Kadan Ka Dhaliyey Kooxda Man United .

Waxa Sidaas Kusoo Dhamaatay Qaybta Hore ee Ciyaarta oo ay Labada Kooxood Ku Tageen 1/1 Laakiin Mid Walba Soo Bandhigtay Qaab Ciyaareed Wacan.

Qaybtii Dambe ee Ciyaarta ayay Man United Mar Kale Gacan Sare Ku Bilaabatay iyaga oo Fursado Deg-deg ah Ku Halis Kaliyay Goolka Kooxda Sevilla Kuwaas oo Khal-khal Ku Bilowday Qaybta Dambe.

Laakiin Sevilla ayaa is Dajisay Daqiiqado Kadib Markii ay Ciyaartu Socotay Waxaana ay Bilaabeen in ay Man United Ku Maamulaan Ciyaarta.

Daqiiqadii 78-aad ayay Gool La Timid Kooxda Sevilla Dhankeeda ayey Ciyaarta u rogtay Kadib markii uu goolka 2-aad u Dhaliyay Xiddiga Badalka Kusoo Galay ee Luuk de Jong Kaas oo Ciyaarta Ka Dhigay 2/1.

Man United ayaa Wax Walba u Samaysay in ay Dhaliso Goolka Bar-baraha iyaga oo uu Xitaa Bruno Fernandes is tuuray Si Kooxdiisa Rikoore Loogu Dhigo Laakiin Garsooruhu Ka Diiday.

Waxa Sidaasi Kusoo Dhamaatay Ciyaarta oo ay Kooxda Sevilla iska xaadirisay Final-ka Tartanka Europa League.Image

ImageImageImageImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.