Juventus oo saddex xiddig u soo bandhigtay kooxda Arsenal si ay kaga hesho Alexandre Lacazette

0
395

Turino(Idaacadda Waamo)Wargeysyada guddaha dalka England ayaa maanta oo Arbaco ah waxay shaaca ka qaadeen suurtagalnimada ah in heshiis is dhaafsi ciyaartoyda ah uu dhex mari labada kooxood Arsenal iyo Juventus inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Waxaana jiray warbixino badan oo sheegayay in Juventus ay dooneysay inay la soo wareegto weeraryahanka reer France iyo kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette, si ay ugu xoojistaan weerarkooda, kaddib markii Andrea Pirlo uu la wareegay hoggaanka Bianconeri.

Waxay u badan tahay in Alexandre Lacazette uu ka dhaqaaqi doono kooxda Arsenal xagaagan, gaar ahaan maadaama aan la hubin in boos joogta ah uu ka heli doono qorshaha tababare Mikel Arteta, sababa la xiriira joogi taanka Pierre-Emerick Aubameyang iyo qorshaha cusub ay ka leeyihiin suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mirror” Juventus ayaa u soo bandhigtay Arsenal 3 ciyaartooy si ay u doortaan mid ka mid ah oo qeyb ka noqda heshiiska ay kaga doonayaan Alexandre Lacazette, kuwaasoo kala ah Gonzalo Higuaín, Douglas Costa, iyo Cristian Romero.

Si kasta ha noqotee, Arsenal ayaa la fahansan yahay inay dooneyso inay iska iibiso xiddigo badan oo ay qeyb ka yihiin Alexandre Lacazette, Mesut Ozil, Mattéo Guendouzi, Henrikh Mkhitaryan, Lucas Torreira iyo Kolašinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.