Gabadh Kaalinta 1-aad ka gashay Imtaxaankii Dugsiyada Sare ee Puntiland

0
316

Garawe-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland ayaa ah shaacisay natiijada imtixaankii dugsiyada sare Puntland ee sanad dugsiyeedka 2019-2020.

Wasiirka Waxbarshada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay u fariisatay 4,942 arday oo isugu jiray 3,020 wiil iyo 1,922 gabdhood, waxaana baasay 4,832 arday, halka ay dhaceen ama aysan gudbin 59 arday.

Natiijada waxaa kaalinta kowaad ka gashay gabadh lagu magacaabo Maryan Cabdikariim Axmed oo haysata derajada A, celcelis ahaan 98.68, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay oo kaalinta kowaad ka gasha imtixaanada dugsiga sare ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.