Bayern München oo markale dubatay kooxda Chelsea isla markaana iska xaadirisay wareega siddeeda ee Champions League

0
277

Yurub(Idaacadda Waamo)Bayern München ayaa markale dubatay kooxda Chelsea isla markaana iska xaadirisay siddeeda Champions League, kaddib markii ay ku adkaatay 4-1, kulan xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Allianz Arena, waxayna cel-celis ahaan Bayern ku adkaatay labada kulan 7-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Bayern München.

Daqiiqadii 10-aad kooxda Bayern München ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib rigoore ay heshay waxaa gool ka dhigay weeraryahankooda Robert Lewandowski, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

24 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Bayern München ayaa la timid goolkeeda labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Ivan Perisic.

Laakiin daqiiqadii 44-aad kooxda martida aheyd ee Chelsea ayaa dhalisay gool, waxaana 2-1 ka dhigay Tammy Abraham.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad Bayern München ayaa sii dheereysatay hoggaaminta dheesha waxaana 3-1 ka dhigay Corentin Tolisso.

Markale daqiiqadii 84-aad Robert Lewandowski ayaa si toos ah u niyadjibiyay kooxda Chelsea wuxuuna dheesha ka dhigay 4-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-1 ay kaga adkaatay  Bayern München kooxda Chelsea oo marti ugu aheyd garoonka Allianz Arena. Waxayna naadiga reer Germany cel-celis ahaan goolashii ay labada kulan ku adkaadeen ay tahay 7-1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.