Barcelona oo isaga xaadirisay wareega siddeeda ee Champions League kaddib markii ay garaacday Napoli

0
250

Yurub(Idaacadda Waamo)Kooxda Barcelona ayaa si raaxo leh isaga xaadirisay wareega siddeeda ee tartanka Champions League, kaddib markii ay 3-1 ku garaacday Napoli oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, waxayna Blaugrana isku darka labada lugood awooday inay ku soo baxdo 4-2.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 3-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 10-aad kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Clement Lenglet, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Ivan Rakitic.

23 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Barcelona ayaa dhalisay gool labaad waxaana 2-0 ka dhigay Lionel Mesi.

Daqiiqadii 45-aad Barcelona ayaa dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, waxaana rigoore lagu galay Lionel Messi gool u badalay Luis Suarez, ciyaarya ayaana sidaas ku noqotay 3-0.

Balse daqiiqadihii dheerigi ahaa ee lagu daray qeybta hore ee dheesha kooxda Napoli ayaa heshay rigoore waxaana gool ka dhigay Lorenzo Insigne, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 3-1.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-1 ay kaga adkaatay  Barcelona kooxda Napoli oo marti ugu aheyd garoonka Cump Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.