Willian Oo Arsenal Ka Hor Istaagi Doona Saxiixa Philippe Coutinho.

0
265

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Chelsea ee Willian kaas oo si xor ah ugu biiri doona marka uu dhamaado heshiiskiisa Blues.

Xiddiga reer Brazil ayaa soo afjari doona heshiis 7 sano ah oo uu joogay Stamford Bridge todobaadka dambe kadib markii uu iska diiday dhawr heshiis cusub oo ay Blues u soo bandhigtay isaga oo doonaya heshiis 3 sano ah oo ay chelsea dhankooda diidantahay.

Wararka ayaa sheegaya in ay Gunners haatanba heshiis 2 sano ah la gaadhay Willian iyo hal sano oo dookh ah iyada oo uu xiddigu ku biiri doono Gunners todobaadka dambe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu Willian kooxda mushahar ahaan uga qaadan doono todobaadkii lacag ka yar 120 kun oo Gini oo uu haatan ka qaato Chelsea laakiin uu heli doono lacago gunooyin ah.

Willian ayaa noqon doona saxiixii 3-aad ee Mikel Arteta kadib markii ay kooxdu si toos ah ula wareegtay xiddigaha Pablo Mari iyo Cedric Soares kuwaas oo amaah ku joogay kooxda.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in imaatinka Willian ay Arsenal ka hor istaagi doonto saxiixa xiddig kale oo lala xidhiidhinayo kooxda.

Xiddigaas ayaa ah xiddiga Barcelona ee Philippe Coutinho kaas oo si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Arsenal todobaadyadii ugu dambeeyay.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal kaliya fursad u haysato in ay midkood keento xiddigaha Philippe Coutinho ama Willian Sidaas darteed uuna Xiddigii hore ee Liverpool biiri doonin Gunners hadii uu Willian dhamaystiro ku biirista Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.