Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay In Uu Alexis Sanchez Ku Biiri Doono Inter Milan.

0
252

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in Alexis Sanchez inuu dhameystiri doono heshiiska tooska ah ee uu ugu biiri doono Inter Milan maanta oo khamiis ah.

Sanchez ayaa si amaah ah ugu biiray Inter bishii August ee sanadkii hore Kooxda reer Italy ayaana doonaysay in ay si joogto ah ula wareegto xiddiga 31 jirka ah.

Madaxa fulinta kooxda Inter Giuseppe Marotta ayaa goor sii horaysay Arbacadii shaaca ka qaaday inay ku dhawaaqi doonaan heshiiska Sanchez maalinta khamiista oo maanta ah.

“Waxaan aaminsanahay sidaas,” ayuu Solskjaer u sheegay BT Sport markii la weydiiyay haddii uu Sanchez maanta noqon doono xiddig Inter Milan ah.

“Waxa aan xaqiijin karaa in uu Aleixs wakhti fiican ku qaatay Inter Milan, waa xiddig fiican sidaa darteed waxaan u rajeyneynaa wanaag oo dhan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.