Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0
334

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Koox hubeysan oo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaasi waxaaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomalaida Ganacsiyada waaweyn ku leh dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Faarax Weeyd ayaa Kooxda Burcadda ah waxaa ay ku dileen goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Magaalada Durban Ee Dalka Koonfur Afrika, isaga oo u geeriyooday dhaawac culus oo ay Burcadda gaarsiiyeen.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada Durban Ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyeen muwaadinka Soomaaliyeed oo Kooxda Burcadda ah ay doonayeen inay dhac u geystaan,isla markaana ay ka badbaadiyeen walow Kooxda Burcadda aheyd ay muwaadinka Soomaaliyeed dileen.

Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo badi markii ay dilalka dhacaan sameeya howlgallo walow aysan ku guuleysan inay qabtaan Kooxaha dilalka u geysta Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.