Robbie Savage Oo Magacaabay Shaxdiisa Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedka 2019/2020.

0
309

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kadib markii uu Axadii hore dhamaaday horyaalka premier League muddo 7 cisho ahna ka soo wareegtay waxa aan dhamaanteen dib u wada qiimaynay xilli ciyaareedkii dhamaaday iyo waliba xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda Liverpool ayaa markii ugu horaysay muddo 30 sano ah ku guulaystay horyaalka iyaga oo koobka loo caleemo saaray iyada oo 7 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.

Dhanka kale Man City ayaa xaqiiqsatay booskeeda champions League kaalinta 2-aadna ka gashay kala saraynta horyaalka premier League.

Waxa jiray xiddigo dhawr ah oo dhaafay wixii laga filayay waliba soo bandhgay qaab ciyaareed cajiib ah kooxdoodana ka caawiyay guulo badan.

Waxa ugu horeeya weeraryahanka dilaaga ah ee Leicester City Jamie Vardy kaas oo ku guulaystay gool dhalinta horyaalka premier League.

kadib dhamaadka xilli ciyaareedka khabiirka Robbie Savage ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.

shaxda Robbie Savage ayay Liverpool ku leedahay xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 5 xiddig galka kooxda Man United ku leedahay 2 xiddig.

Kooxaha Burnley, Sheffield United, Man United iyo Leicester City ku leeyihiin min hal xiddig.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo shaxdiisa:

Goolhaye: Nick Pope (Burnley)

Daafaca: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Virgil Van Dijk (Liverpool), Chris Basham (Sheffield United), Andy Robertson (Liverpool).

Khadka Dhexe: Jordan Henderson (Liverpool), Kevin De Bruyne (Man City), Bruno Fernandes (Man United).

Weerar: Sadio Mane (Liverpol), Jamie Vardy (Leicester City), Raheem Sterling (Man City)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.