Kenya oo Maanta fureysa duullimaadyada Caalamiga ahaa ka dib xayiraaddii Corona virus

0
363

Nairobi-(Idaacadda Waamo)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Maanta oo Sabti ah dib u fureyso duullimaadyadii Caalamig ahaa ee ku xirmay xayiraadaha cudurka Corono Virus.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka Kenya, James Macharia ayaa sheegay in la oggol yahay oo keliya duullimaadyada ka imaanaya Dalalka, Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed, Japan, Canada, Zimbabwe, Itoobiya, Switzerland, Ingiriska, Qatar, France, Netherland, Rwanda, Uganda, Namibia, Morocco, Imaaraatka iyo Gobollada California, Florida iyo Texas oo ka mid ah Dalka Maraykanka.

Mr; Macharia ayaa sheegay Dadka rakaabka ah in lala socon doono xaaladdooda muddo laba Todobaad ah, iyagoo aan la karantiili doonin haddii heerkulkoodu ka hooseeyo 37.5 Digrii Celsius iyo haddii aysan lahayn astaamaha Covid-19ka.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka Kenya, James Macharia ayaa shirkadaha Diyaaradaha faray in ay Dadka siiyaan qalabka looga hortago cudurka, si aysan rakaabka Diyaaradda saran isu qaadsiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.