Xarunta hay’adda Tayodhowrka Jubbaland oo maanta xarigga laga jaray

0
297

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne Kuxigeenka 1aad dowlad goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta Xariga ka Jaray Hay’adda Tayo dhawrka Jubaland(Quality Control Agency), Hay’addan ayaa kashaqeendoonta hubinta tayada waxyabaha asaasiga u ah bulshada sida Cunnada Dawooyinka, biyaha.

Waxaa ku wehelinayay Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdinuur Cali Aaden,Xoghayaha guud ee Rugaha Ganacsiga iyo warshadaha Heer Federaal ahnna Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland Mudane Shaafi Raabi Kaahin,Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdulaahi Cali Gooni iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdinuur Cali Aaden, oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in hirgalinta xaruntan looga gol-leeyahay bad-baadinta bad qabka Bulshada Jubbaland.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad dowlad goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo Xariga ka jaray Hay’adda Tayo dhawrka Jubaland(Quality Control Agency), ayaa sheegay in ay Jubbaland ka go’an tahay in bulshadu hesho wax bad qaba oo tayadiisa la hubo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.