Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland oo kulan la qaadatay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha heer Fedraal

0
125

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda arrimaha gudaha jubbaland ayaa kulan is xog wareysi ah la yeelatay guddiga madaxa banaan ee xuudaha heer fadaraal.

Guddiga ayaa wayadan waxa uu ku howlanaa dhameystirta  shuruucda xuduudaha  dowlad goboleed yada dalka,Waxa ayna guddigu la kulmeen dhamaam dowlad goboleed-yada si loo dhameys tiro lahaa shuruucda xuduudaha Dalka.

Gudiga ayaa madaxtoyada Jubbaland kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad Jubbaland Mudane maxamuud Sayid Aadan waxa ayna uga warbixiyeen u jeedka guud ee socdaalkooda iyo halka ay mareyso hawsha Guddigu.

Intaa ka dib waxa ay kulan la qaateen masuliyiinta wasaaradda arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Jubbaland.

Fartuun Nuur Aadan,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.