Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay saameyn ka dhalatay Roobkii da’ay

0
106

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka da’ay roob xoogan oo saameyn ku yeeshay Guud ahaan magaalada muqdisho iyo dadka danta yar ee ku nool Caasimadda.

Roobkaas ayaa burburiyay wadooyin badan oo ku yaalla Muqdisho qaarkoodna uu Biyo dhigay, waxaana sidoo kale uu saameyn ballaaran ku yeeshay Roobka qoysas danyar oo ku nool qaar kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray degmooyinka qaar oo qoysas degan uu saameyn ku yeeshay roobka,kadib markii guryahooda ay biyaha Roobka ugu galeen.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay inay u gurmadeen qaar kamid ah Qoysas ku nool degmada Boondheere,isla markaana ay soo badbaadiyeen dad ku dhow 50 Qoys.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu Maanta bilaabi doono howlo gurmad ah oo sidoo kale lagu furayo wadooyinka uu roobka xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.