Barakacayaal ku nool Kaamka Salagle &Kamsuumo ee Magaalada Kismaayo oo Codsaday in la Caawiyo

0
640

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kaamka Barakaca Kamsuumo iyo Salagle waa mid kamid ah Kaamamka cusub ee ku yaalo magaalada Kismaayo waxa ayna sheegeen ineysan helin wax qaabilaad qoxooti ah iyo wax caawimaad ah.

kaamkan ayaa waxaa ku nool dad kasoo barakacay Magaalooyinka  Salagle iyo Kamsuumo oo ka kala tirsan Gobalada  Jubada Dhexe iyo Jubada hoose.
Dadkan barakacayaasha ah ee kunool kaamkan ayaa waxa ay ka cabanayaa baahiyaha aasaasiga noloshada sida Hoy la’aan Cunno la’aan Biyo la’aan,Caafimaad la’aan iyo Waxbarasho la’aan.

Kaamkan oo ay Ku nool yihiin ilaa 150 qoys ayaa waxa ay nolol maal-meedka Kasoo Dhacsadaan Dhismaha waxa ayna inoo sheegeen in maalin la waayo maalina la helo iyadoona ay u baahan yihiin Gacan Qabasho Dhanka Dowlad Goboleedka Jubbaland  Hay’adaha Samafalka.

Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.