Qaramada Midoobey oo sheegtay in dad ku dhow 1 milyan oo qof ay saameeyeen fatahaado

0
272

Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya waxay ku dhawaqeen Qorshaha Ka falcelinta Fatahaadaha ee Soomaaliya (2020 Somalia Flood Response Plan) oo gacan ku siinaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyaduba iney ka jawaabaan baahiyaha dad ku dhow 1 milyan oo qof oo ay saameeyeen fatahaado iyo daadad ka dhashay roobkii Guga ee sannadkan.

Laga soo bilaabo bishii Abriil, fatahaadahani waxay sababeen barakac ballaaran, dhimasho, burbur hantiyeed iyo weliba waxyeello soo gaartay kaabayaasha, waxayna saameyn ku yeesheen ilaa 29 degmo ka tirsan wadanka.

415,000 oo qof oo ka mid ah 918,667-da qof ee ay saameeyeen fatahaadahani waxay ka barakaceen guryahooda. Ugu yaraan 29 qofood ayay dileen roobabkani.

Hay’adaha samafalku ayagoo kaashanaaya Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayay sara u qaadeen howlaha gargaarka. Qorshahan ka falcelinta Saameynta fatahaadaha wuxuu ku kacayaa adduun lugu qiyaasay US$59.85 Milyan  oo lugu howl gelayo muddo saddex bilood ah.

Qaybaha wax looga qaban doono qorshahan waxaa ka mid ah dhanka hoyga, gargaarka aan cunnada ahayn, biyaha/adeegga fayadhowrka ee 400,000 oo qof, waxaa sidoo kale lagu dayac tiri doonaa agabyadii kala duwanaa ee burburku soo gaaray ee ay isticmaali jireen bulshooyinka danyarta ah.

Howlahan waxaa ka faa’iideysan doona ilaa 277 kaam. Qorshani wuxuu sidoo kale gargaar cunno oo degdeg ah gaarsiin doonaa ilaa 200,000 oo qof oo ku nool goobaha ay fatahaaduhu saameeyeen halka adeeg caafimaadna ay heli doonaan dad gaaraya ilaa 300,000 oo qof

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.