Dowladda Jabuuti oo gurmad gaarsiisay dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle

0
370

Baladweyne(Idaacadda Waamo)Dowladda Jabuuti oo Ciidamo farabadan ay ka joogaan gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxaa ay deeq raashin ah gaarsiisay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, taas oo loogu talo galay dadka uu saameeyay fataahada Wabiga Shabeelle.

Deeqdaan oo dhan Sagaal tan ayaa dowladda Jabuuti waxaa ay u soo wakiiladay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Hiil-Walaal ee Jabuuti,waxaana waxaa Maanta lagu wareejiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Korneyl Maxamed Barqad oo kamid Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal,kaas oo loo soo wakiishay Raashiinkan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Waare iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada, iyada oo ka wada hadley sidii lagu gaarsiin lahaa dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Dowladda iyo Shacabka Jabuuti kaga Mahadceliyay sida ay u garab taaga yihiin dadka Reer Hiiraan,isaga oo sheegay in Ciidamada Jabuuti ay si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.