Madaxweynaha Galmudug oo Gaaray Degmada Galinsoor

0
352

Galin-soor(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka amba- baxay Magaalada Cadaado, ayaa goor-dhaw gaaray Degmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud.halkaasi oo ay diirran ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada, saraakiil, iyo Masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Safarkaan waxa madaxweynaha ku wahlinayey, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka JFS iyo xubno kamid ah Gollaha Wasiirada Galmudug.

Madaxweynaha oo bartamaha magaalada kula hadlayey dadka deegaanka ayaa sheegay in midnimada iyo dib-U-heshiintu, ay udub dhexaad u yihiin dhismaha Galmudugta cusub. isla markaana uu mudnaanta koobaad siinayo arrimaha dib-U-heshiinta, si loo soo celinayo kalsoonida umadda kala irdhawday, loona daweeyo dhaawacyadii kala gaaray umadda sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Galinsoor ay tahay Xarunta Dib-U-Heshisiinta Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku guda jira ayaa socdaal nabadeyn, dib-u-heshiin iyo maamul daad dejin oo ku marayo qaar kamid ah deeganad Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.