Madaxweynaha Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kale oo booqday Deegaanka Goob-weyn

0
111

Goobweyn(Idaacadda Waamo)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo qaar kamid ah Masuuliyiinta labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta qado sharaf loogu sameeyay deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.

Munaasabadan ayuu Madaxweynahu ugu tala galay Masuuliyiinta kala duwan iyadoo lagu maamuusayo Munaasabada Ciidul fidriga.

Sidoo kale inta uu Madaxweynahu halkaas ku sugnaa waxaa uu la kulmay qaar kamid ah Bulshada ku nool deegaankan isagoo u kuur galayay sida ay u socdaan howlaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka wado halkan gaar ahaan dhinacyada Nabadgalyada iyo Hormarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.