Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay ku Tala Galka Miisaaniyadda Dawladda Ee Sannadka 2020

0
400

Muqdisho(Radio Waamo)Golaha wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan.

Kororka ku yimid miisaaniyadda 2020, badankeed waa mushaar loo kordhiyay ciidamada qalabka sida oo askari waliba uu heli doono mushaar dhan $200 bil waliba.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka guddoominayay ayaa u mahad celinayay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda.

“Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysantahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono.

Miisaaniyaddu dowladdu waxa ay kor u kacday 274% tan iyo markii ay xukuumuaddan talada la wareegtay.

R/W,Abdi Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.