Ra’iisul Wasaare Khayre Ha Lala Shaqeeyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

0
378

kismaayo(Waamo Radio)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo Muqdisho uga qayb galay munaasabad madaxda qaranka looga mahad celiyay xulashadooda duqa cusub ee Muqdisho, ayaa bulshada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay garab istaagaan guddoomiyaha gobalka Banaadir, si uu uga shaqeeyo horumarinta caasimadda dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in taageerada iyo la shaqeynta bulshada ee guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ay ka qayb qaadaneyso sugidda amniga iyo horumarinta gobalka Banaadir oo ah astaanta qaranimada iyo xarunta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) loogu aaminay hoggaaminta bulshada caasimadda, si dowladnimadu u xoogeysato, uuna isugu keeno dadka, xaquuqdoodana u ilaaliyo.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in madaxda qaranku ay guddoomiyaha ku garab istaageyso gudashada mas’uuliyadda culus ee ka saaran horumarinta caasimadda dalka oo ay ku noolyihiin malaayiin Soomaaliyeed oo dhaqan u leh isku heynta bulshada iyo ilaalinta qarannimada.

Abdijamal Moalim Ahmed

Radio Waamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.