Dadka naafada ah ee kunool magalada kismayo oo ka war bixiyay Xaaladahooda nololeed.

0
1134

kismaayo (Waamo Radio) Qaar kamid ah Bulshada kunool degaanada Soomaalida  waxaa ay yihiin dad qaba baahiyaha gaara una baahan in siyaabo kala duwan looga caawiyo dhibaatooyinka aysan tahli karin ee soo wajaha xiliyada qaar.

Bulshada  qaar keed ayaa aminsan in dadka nafada ahi ayna wax baran karin ama aysan waxba qabsan karin arintaas oo aan xaqiiq aheyn waxaa jira dad iyaga oo naafo ah maareeya noloshooda iyo tan qoowskooda intaba.

Abdisalan maxamuud shire waxa uu kamid yahay  dadka nafadaa ee kunool Magaalada kismaayo  waxa uuna naafo kayahay dhanka araga balse nafanimadisu kama aysan reebin in uu waxbarto waxaana uu wax barashada ka gaaray  ilaa heerka dugsi sare xili uu joogay dalka keenya.

Abdisalaan oo markale ariinkaan laxariira dhibooyinka ay kala kulmaan bulshada inteeda kale gaar ahaan marka uu qof Naafada ah uu go,aansado in uu guursado ayaa isaga oo hadalkiisa siiwata  waxaa uu Radio Waamo usheegay in bushada uu ugu baaqayo in ay iska dayaan fikrada qaldan ee ay ka Aamin Sanyihiin walalahooda qaba baahiyaha gaarka ah.

Warbixintaan inoo soo jeedinaya:-Xamdi Maxamed Yaasiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.