Dhalinyarada Baratay kuna shaqeysata xirfada Harqaanka oo kusoo badanaya Magaalada Kismaayo

0
989
kismaayo(Waamo Radio)in aad xirfad yeelo ma ahan wax fudud in badan oo kamid dhalinyarada soomaaliyeed ee kunool magaalada kismaayo ayaa sheega in ay waayeen wax shaqo ah oo ay noloshooda ku maareeyaan waxaana ay taas sababtay in dhalinta qaar kood  maanta ay dalka isaga tagaan.
inkasta oo ay taas jirto Hadana waxaan meesha ka bixin Gabi Ahaan in dhalinta qaarkood ay abuurtaan shaqooyin iyo xirfado  ay kasoo saartaan nolol maalmeedkooda waxaana ay barteen xirfado ay mahdiyeen barashadooda.
si aan wax uga ogaano shaqooyinka iyo xirfada ay barteen dhalintaan ayaa waxaan tagnay xarunta Harqaanka ee horyaal oo ku taal l xaafada calanleey  waxaan Halkaa kula kulmay  Cabdiraxmaan Maxamed Abukar Oo Loo Yaqaano Cabdiraxmaan Dheere  Oo Ah Milkilaha  waxaan ka xog wareystay shaqadiisa
Sido kale Qaar Kamid Ah Dhalinyarada Kushaqeesta Xifada Dhartolista  Ayaa  Shegay In Ay Kufarax Sanyihiin Kashaqeenta Gudaha Dalkooda Waxeyna Ladhalinyarada Kale Oogu Baaqeen In Ay Sameestaan Xirfado Si Ay Nolashooda Ogu Mareyaan
waxaa warbixintaan inoo haaya Iidle Aadan Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.