EURO 2020: Xulka Italy Oo 6-0 Goolal Ah Uga Badiyay Liechtenstein & Xulka Spain Oo Garaacay Malta

0
489

Xulka qaranka Italy ayaa guul weyn ka gaadhay xulka qaranka Liechtenstein kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020 kulankiisii 2-aad.

Gool :- Xulka Azzurri ayaa bilaabay goolasha daqiiqadii 17-aad iyaga oo uu gool madax ah u dhaliyay xiddiga Stefano Sensi kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Gool :- khadka dhexe ee Marco Verratti ayaa daqiiqadii 32-aad u raaciyay waliba Italy u dhaliyay gool aad u qurux badan.

Xulka Liechtenstein ayaa gabi ahaan ku dhibaatoonayay in ay xitaa weerar ku qaadaan xulka qaranka Italy iyaga oo qaab ciyaareed Liita ku jiray.

Gool :- Daqiiqadii 35-aad ayuu xulka qaranka Italy sii dheeryatsy hogaanka iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Fabio Quagliarella kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Gool :- Ka hor intii ayna qaybtii hore ciyaartu dhamaan ayaa xulka Italy loo dhigay rikoodhe cusub iyaga oo uu gool uga dhaliyay xiddiga Fabio Quagliarella isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka qaranka Italy si xarago leh u ciyaaray waliba dhalin karay goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayuu xulka Azzurri ku soo galay qaab dar-dar leh iyaga oo raadinayay gooalal badan oo ay ka dhaliyaan ciyaarta.

Gool :- Daqiiqadii 70-aad ayuu goolka 5-aad u dhaliyay da,yarka wacdaraha dhigaya ee Moise Kean kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0.

Gool :- Xiddiga Leonardo Pavoletti ayaa daqiiqadii 76-aad dhamaystiray nus darsinka goolasha ah isaga oo ciyaarta ka dhigay 6/0 uu xulka Italy ku hogaaminayo.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Qaranka Italy ku gaadhay guushiisii 2-aad oo xiriir ah is reeb-reebka Euro 2020.

Dhanka kale xulka qaranka Spain ayaa 2/0 uga adkaaday xulka qaranka Malta kulan ka tirsanaa is reeb-reebka tartanka Euro 2020.

Goolal uu dhaliyeen Alvaro Morata (31), iyo (73) ayaa xulka Spain ka caawiyay in ay guul 2/0 ah ka gaadhaan xulka Malta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.