Xulka Panama Oo Bar-Baro La Galay Xulka Weyn Brazil Kulan Saaxiibtinimo.

0
387

Xulka qaranka Brazil ayaa bar-baro ku dhaafi waayay dhigiisa Panama kulan ka tirsanaa kulamada saaxiibtinimo ee fasaxa Xulalka.

Brazil ayaa ku fashilmay in ay guul ka gaadhaan Panama iyada oo uu daawanayay xiddigooda ugu Muhiimsan ee Neymar kaas oo dhaawac uga maqan.

Xulka Brazil Oo Lagu Naaneyso Sampa ayaa kulankan isugu diyaarinayay tartanka Copa America 2019 oo bilaabmi doona bilo yar kadib gaar ahaan xagaaga.

Inkasta oo uu xulka Brazil ku bilowday si dar-dar leh hadana waxa uu ku fashilmay in ay dhaafaan daafac adag oo uu xulka Pamana dhigteen.

Gool :- Brazil ayaa goolka ku hor martay iyaga oo uu daqiiqadii 32-aad goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Lucas Paqueta kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Gool :- Laakiin xulka Pamana ayaan wakhti badan ka dambayn iyaga oo daqiiqadii 36-aad dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Adolfo Machado kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.