Beeraleyda Goobweyn oo codsaday in lagu gacansiiyo wax soo saarka beeraha degaanka.

0
484
kismaayo(Waamo Radio)Beeraha dalkeena Soomaaliya waxaa ay qeyb lixaad leh ka yihiin  hormarka Gamacsi ee dalkeena Hooyo,inkastoo ay yaraatay tacbashada Beeraha hadana waxaa jiro dad wali Tacbanaya  Beeraha oo wax ay kasoo saartaan  u iibgeeya magaalada kismaayo iyo degaano kale.
Deegaanka Goobweyn waxaa uu hoos tagaa magaalada kismaayo waxaa ku yaala Beero ay kabaxa dalagyada kala duwan ee Khudrada waxaana  mara Wabiga Jubba inta badan Beeraha ku yaala waxaa ka howlgala dhalinyaro isugu jira rag iyo Dumar.
dhalinyaradan ayaa waxay baaq u direen Dowlada oo ay sheegeen in laga caawiyo sida Matoorada iyo Daawada looga hortago Cayayaanka waxyeeleeya Dalaga baxa looga caawin lahaa madaaba ay mudooyinkaan danbe ay jiraan dhibaatooyin soo gaaray wax soo saarka beerka gobolkaan kadib markii ay wax yeelo weyn ugeystay cayayaankaan.
waxayna sheegeen in haatan uu wabiga biyo yareeyay  islmarkaasna Biyaha bada ay ku soo rogmanayaan ayna u wanaagsaneyn Biyaha dhanaanka ah waxaa ay sheegeyn in biyahaan danaanka ah cabad ku yihiin in dalag wanaagsan uu soo go.
Deegaanka Goobweyn waa Deegaanka Barwaaqo ah waana halka ay iskaga darsamaan Wabiga Juba iyo Badweynta Hindiya,waana Deegaan Dalxiis oo ay maalmaha Nasashada Bulshada Kismaayo ay u dalxiis tagaan kasokoow beerahaan ay manaafacaadka badan ka helaan bulshada soomaaliyeed.
waxaa war bixintaan inoo soo jeedinaya Cabdiraxiin deeq Muuse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.