Xiddigihii Isku Saadaaliyay Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or

0
441

Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa adduunka kaga yaabsaday maanta kadib markii uu isku saadaaliyay ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or.

Da,yarka reer Brazil ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sanadkiisii ugu horeeyay ee Real Madrid ka hor inta uuna dhaawacu soo gaadhin.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 4 xiddig oo naftooda u saadaaliyay in ay ku guulaysan doonaan abaalmarinta laakiin ku fashilmay.

  1. Robinho:

Real Madrid ayaa u malaynaysay in ay heshay badalka Pele ee xulka Brazil kadib markii ay la soo saxiixatay Robinho sanadkii 2005.

Xidigaan Ayaa Wuxuu Soo Ciyaaray Kooxaha , Real Madrid , Man City , Santos , Ac Milan

Xidigaan Ayaa Kubada Kuso Gabagabeeyey Kooxda Reer Turkish Ee Istanbal Basaksehir

Sanadkii 2006 ayuu xiddiga reer Brazil si cajiib ah ugu dhawaaqay in uu ku guulaysan doono abaalmarinta Ballon d’Or-ka laakiin sabab la xidhiidha in uuna si joogto ah qaab ciyaareed fiican u soo bandhigin ayaa ka hor istaagtay in uu rumeeyo riyadaas.

2 : Jese Rodriguez:

Video thumbnail

Xiddiga reer Spain ayaa naftiisa u sharaxay ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkii 2014 isaga oo sheegay in uu mustaqbalka dhaw ku guulaysan doono abaalmarinta.

Xidigaan Ayaa Uciyaaray Kooxaha Real Madrid , BSG , Las Palmas , Stoke City , Real Betis , Xidigaan Ayaa Milkiyadiisa waxaa Leh Kooxda BSG oo Ka Iibsatay Kooxda Real Madrid

Laakiin xiddiga ayaan rumayn saadaalintaas sabab la xidhiidha dhaawacyo badan oo ka hor istaagay in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxihiisa.

3.Mesut Ozil:

Xiddiga reer Germany ayaa ka mid ahaa xiddigihii isku saadaaliyay ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or waxana uu u muuqday mid u qalmay in uu ku guulaysto sanadkii 2015 marka loo eego in uu soo bandhigay sanad cajiib ah.

Xidigaan Ayaa Uciyaaray Kooxaha Schalke 04 , Werder Bremen , Real Madrid , Arsenal , Xidigaan Ayaa Milkiyadiisa waxaa Leh Kooxda Arsenal oo Ka Iibsatay Kooxda Real Madrid

Laakiin xiddiga aya wixii ka dambeeyay ku dhex lumay kooxda Real Madrid taas oo keentay in uu isaga tago kuna biiro Arsenal halkaas oo uuna ku soo bandhigin qaab ciyaareed uu ugu qalmo abaalmarinta.

4.Mario Balotelli:

Muran la,aan Waa xiddig leh tayo cajiib ah kana mid ah xiddigaha ugu kalsoonida badan kubada cagta isaga oo soo qaatay wakhti aad u fiican.

Xidigaan Ayaa Uciyaaray Kooxaha Inter Milan , Man City , Ac Milan , Liverpool , Nice , Marseille  , Xidigaan Ayaa Milkiyadiisa waxaa Leh Kooxda Marseille  oo Ka Iibsatay Kooxda Nice

Nasiib xumada u diiday in uu xiddigan ku guulaysto abaalmarintan ayaa ah muran badan iyo dhaqan xumo uu ka sameeyo garoomada kubada caagta kadib markii uu isku sharaxay ku guulaysiga abaalmarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.