WARBIXIN CAJIIB AH: Maxaa Dhacay Markii Ugu Dambaysay Ee Ay 4 Kooxood Oo Premier League Ah Gaadhaan 8 Dhamaadka Champions League?

0
500

Kooxaha Premier League ayaa ah kala badh xiddigaha ka qayb qaadan doona isku aadka jimcaha ee tartanka champions League.

Waa markii ugu horaysay tan ilaa 2009 in ay 4 kooxood oo England ah gaaraan 8 dhamaadka champions Leageu.

Kooxaha Man United, Man City, Liverpool iyo Tottenham ayaa dhamaantood gaadhay 8 dhamaadka iyaga oo kula biiray kooxaha Ajax, Porto, Barcelon iyo Juventus.

Kooxda Fc Porto ayaa la ciyaartay Man United sanadkii 2009 iyada oo goolal ay dhaliyeen xiddigaha Wayne Rooney iyo Carlos Teves ay ka caawiyeen in ay bar-baro 2/2 ah la galaan kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsana lugta 1-aad ka hor inta uuna Cristiano Ronaldo Dhalin goolka u diray Semi-finalka.

United oo uu markaas hogaaminayay Sir Alex Ferguson ayaa wareega Semi-finalka kula biiray Arsenal oo si fudud u dhaaftay Villarreal.

Gunners ayaa hal gool looga hor maray luhgtii 1-aad ee ka dhacday Spain laakiin waxa uu ahaa goolkii kaliya ee laga dhaliyay kulankaas.

Emmanuel Adebayor ayaa ciyaarta ka dhigay 1/1 lugtii hore ka hor inta ayna xiddigaha Theo Walcott, Adebayor & Robin van Persie dhalin goolasha 3/0 ee lugtii dambe iyaga oo sidaas ugu soo baxay 4/1 labada lugood.

Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa ahaa kooxaha kale ee premier League ka matalayay tartanka 8 dhamaadka iyaga ayaana isku aaday.

Xiddigaha Branislav Ivanovic iyo Didier Drogba ayaa Blues ku hogaamiyay 3/1 guul ka dhacday garoonka Stanford Bridge.

Laakiin Liverpool ayaa bar-baraysay kadib markii ay 2 gool u dhaliyeen xiddigaha Fabio Aurelio & Xabi Alonso.

Si kasta ha ahaatee chelsea ayaa dhalisay goolal kale oo 3 ah iyada oo ay u dhaliyeen xiddigaha Drogba, Alex & Frank Lampard halka ay Lucas iyo Drik Kuyt ciyaarta ka dhigeen 4/4 iyada oo ay Chelsea 7/5 ku soo baxday.

Barcelona ayaa dhankeeda 5/1 ku garaacday kooxda Bayern Munich marka la isku daro goolashii 2-da lugood ee quarter-final-ka.

Kooxda chelsea ayaa ku aaday Barcelona Semi-finalka tartanka champions League iyada oo kulankii ka dhacay Camp Nou 0/0 ku dhamaaday.

Laakiin lugtii 2-aad ayuu Michael Essien goolka u dhaliyay Chelsea daqiiqadii 9-aad ka hor inta uuna Andres Iniesta daqiiqadii ugu dambaysay ka dhigin 1/1 sidaasna Barcelona uga caawin in ay ku soo baxdo goolka martida.

Dhanka kale kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa isku dhacay Semi-finalka iyada oo kooxda Man United lugtii hore ku badisay 1/0 uu dhaliyay John O’Shea ka hor inta ayna lugtii 2-aad United ku badin 3/0 sidaasna finalka ugu gaadhin 4/1 labada lugood ah.

Kooxaha Barcelona iyo Man United ayaana isaga hor yimid Finalka tartanka oo lagu qabtay Roma waxana ay Barcelona tartanka sidaas ugu guulaystay kadib gool Madax ah oo uu Leo Messi dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.