Man City Oo Xasuuqday Kooxda Reer Germany Ee Schalke O4 Iskana

0
471

Kismaayo(Waamo Radio) Man City ayaa Qeybtii hore Ciyaarta ugu tagtay kooxda Schalke sedex gool oo nadiif ah kuwaasi oo yimid dhamaadkii qeybtii hore , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa lugta labaad ee wareegga 16-ka Champipon-ka .

Man City ayaa guud ahaan kubadda maamuleysay oo baasas gaagaaban ayay isu dhiidhiibayeen halka kooxda reer Jarmal kaliya ay ahaayeen kuwo daafac kujiro

City inkastoo kubadda ay haysteen hadana halis gilin kuma aysan sameyneyn goosha kooxda martida ah inkastoo daqiiqaddii 13-aad kubad gool aheyd ay birta kaga dhacday Sergio Aguero waxa ayna aheyd fursaddii ugu horeysay ay heleen Man City .

Heerka kubad haysashada City ayaa gaaray %70 waxa ayna kubadda ku dhisayeen afka hore ee kooxda reer Jarmal kuwaasi oo ay ku adkeyd in si sax ah ay kubadda isaga soo fogeeyaan .

Gool :- Daqiiqaddii 36-aad waxaa City loo dhigay rigoore ka dib qalad lagu galay Bernado Silva balse dood ka dib waliba dib loogu laabtay barnaamijka VAR waa la ansaxiyay waxaana tuurtay Aguero oo si cajiib ah shabaqa u dhigay daqiiqaddii 35-aad .

Gool :- Daqiiqaddii 37-aad gool kale ayaa lagu helay inkastoo ay ku doodeen Offisde balse mar kale VAR ayaa lagu laabtay waana la ansaxiyay waxaana shabaqa dhigay Aguero ka dib baas uu ka helay Raheem .

Gool :- Xill xaalka u muuqday in labadaas gool lagu aadi doono nasiinada ayay City heleen gool sedexaad waxaana markaan dhaliyay Lory Sane daqiiqaddii 42-ad ka dib kubad loo soo dusiyay ayuu ka farsameystay daafaca Schalke waa uuna ku husbaday shabaqa , isaga oo tix gilinaya kooxdiisii hore ma uusan dabal degin sidii dhacday lugtii hore.

Soo laabashadii ciyaarta  wax gooni iskama badalin hanaanka  Man City ayaana sameyneysay isku dayo goolal dheeraad ah ay ku raadinayeen halka kooxda martida ay ku adkeyd in ay horay u soo dhaqaaqaan .

Gool :- Heerka kubad haysashada City ayaa gaareysay %63 waxaana daqiiqadii 52-aad laga diiday gool sababo la xariira Offisde waxaana sidaas sameeyay Sane balse mar kale Raheem ayaa dhaliyay waa la diiday balse VAR ayaa ansixiyay waxa uuan goolkaas yimid daqiiqadii 56-aad.

Ka dib dhacdadaas , waxa ay kooxda martida la daalaa dhacayeen in ay iska ilaaliyaan gool 5-aad , waxa uuna tababare Pep badalay Aguero iyo Silva waxa uuna soo giliyay Gabriel Jesus iyo Phil Foden.

Gool :- Si waliba, City gool 5-aad oo cajiib ah ayay dhaliyeen ka dib kubad Tika taka aheyd waxaana shabaqa dhigay Bernardo Silva daqiiqaddii 71-aad ka dibna ma jirrin wax laga qoro kulanka,

Gool :-Kooxda City  waxa ay ahaayeen kuwo iska baashalaya xilli goolka 6-aad  oo uu ka shaqeeyay Sane uu yimid daqiiqadii 78-aad waxaana saxiixay Phil Foden

Gool :- Bandhigii goolasha City iyo xasuuqii kubadeed ma joogsan waxa ayna heleen gool 7-aad waxaana saxiixay Gabriel Jesus daqiiqadii 84-aad,

Waxa ayna Ciyaartii  ku dhamaatay 7 gool oo nadiif ah wax ay isu geynta labadii kulan City heshay natiijo dhan 10/2

Cowke Uk

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.