Juventus Oo Si Xun Garaacday Atletico Madrid

0
405

Kismaayo(Waamo Radio) Kulan xiiso leh oo si weyn loogu diyaar garooway ayaa dhex maray kooxaha juventus iyo Atletico Madrid kana tirsan Lugta Labaad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Kulanka ayay Juventus ku soo gashay iyada oo guul u baahan waxana ay si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta bilwogii ugu horeeyay.

Cristiano Ronaldo  Saaxiibadii ayaa ku bilowday weeraro waali ah iyaga oo doonayay sidii ay u dhalin lahayeen gool wakhti hore ah oo ciyaarta u fududeeya.

Juventus ayaa bilowgiiba dhalisay Gool laakiin waxa looga diiday khalad uu Cristiano Ronaldo ku galay goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee John Oblack

Kooxda Juventus oo garoonkeeda lagu ciyaarayay ayaan ka niyad jabin in ay dhaliso goolal ka caawiya in ay dib ku soo laabato ciyaarta.

GOOOOL :- Daqiiqadii 27-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu gool madax ah u dhaliyay xiddigooda Cristiano Ronaldo kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Juventus ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday weerarada iyo waliba dadaalka ay ku doonaysay in ay goolal ku dhaliso.

Qeybtii Hore ee Ciyaarta Ayaa Kuso Dhamaatay  natiijo 1/0 ah  oo ay Kooxda Juventus ku hogaaminayso kulanka waliba heshay natiijadii ay doonaysay qaybta hore.

Qaybtii Labaad ayay Juventus si waali ah kusoo bilaabatay iyaga oo raadinayay gool kale oo ay ciyaarta ugu soo laabtaan si uuna wakhtigu uga dhicin.

GOOOOL :- Daqiiqadii 48-aad ayuu Cristiano Ronaldo mar kale  udhaliyay kooxdiisa gool kale oo madax ah isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0

Juventus ayaa wixii intaas ka dambeeyay sii waday dadaalka halka kooxda Atletico Madrid u muuqatay qaar is dhiibay oo doonayay in ay rikoodhayaal la gaadho kooxda Juventus.

GOOOOL :- Daqiiqadii 86-aad ayuu Cristiano Ronaldo mar kale oo Sadexaad udhaliyay gool kooxdiisa goolkaas oo ah Rigaare ah Qalad lagu galay saaxiibkiis Bernandeshi  isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Kooxda Juventus si xarago leh isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.