Hordhac :- Barcelona vs Lyon

0
454

Kismaayo (Waamo Radio) Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku marti galin doonta kooxda Reer Franca ee  Lyon kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Labada Kooxood ee Barcelona iyo Lyon ayaa u siman u gudbida wareega xiga kadib bar-barihii labada kooxood ku kala bexeen lugtii hore.

Barcelona yaa kulanka soo galaysa iyada oo qalbiga ku haysa lama filaankii ka dhacay tartanka iyaga oo waliba si weyn uga taxadarnaan doona.

Kulanka: Barcelona Vs Lyon

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa guul gaadhay dhamaan 3-dii kulan ee ay Lyon ku marti galisay champions League iyaga oo dhaliyay 10 gool lagana dhaliyay 2 gool oo kaliya.

Kooxda Metz ayaa ah kooxda kaliya ee France ah ee Barcelona ku garaacday Camp Nou tatramada yurub iyada oo 4/1 uga badisay kulan ka tirsnaa Cup Winners’ Cup October 1984.

Kooxaha Barcelona iyo Lyon ayaan wax guuldaro ah la kulmin chmapions League xilli ciyaareedkan xilli ay Lyon bar-baro gashay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay gaadho wareega 8 dhamaadka markii 12-aad oo xiriir ah halka markii ugu dambaysay ee ay ku fashilmeen rikoodhka uu ahaa 2006/2007 markaas oo ay Liverpool guuldaro kala kulantay.

www.radiowaamo.so

Cowke Uk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.