Maxamad Salad Xuseen oo ah ninka ugu gaaban reer kismaayo oo Caawimaad Codsaday

0
627

kismaayo(Waamo Radio)Maxamad Salad Xuseen oo ku magaca dheer bikolle waa 32 jir balse markaad eegto muqaalkiisa waxaa u egyahay wiil yar oo 6 sano  jir ah dadka ku nool Magaalada Kismaayo wax ay u aqoonsadeen in uu yahay shaqsiga ugu gaaban magaalada Kismaayo wallow aanan la  heeynin  cabirkiisa saxda ah.

Bikole waa shaqsi can ka ah magaalada kismaayo inta badan wax uu fadhiistaa goobaha lo,yaqaan fadhi kudirarka oo ay bulshadda isugu yimaadaan.

waxaa uu degan yahay kaamka badar oo ay daganyihiin dadka  barakacayaasha waxaana uu ku kuyaalaa  xaafada farjano Maxamad salad dhanka nolosha waxaa kaheeysta daruufo adag hada waxaa uu la noolyahay walaashii kaweyan oo hooyadii iyo aabihiina way dhinteen sida uu Waamo Radio usheegay.

intaan wareeysanayay waxaa iiga muuqatay in uu yahay qof ay cilad ka heysato dhanka hadalka si buuxadana aan loo fahami Karin waxyaabaha uu ku hadalayo  wuxuu iisheegay in ay jiraan dhibaatooyin uu kala kulmo bulshada dhaxdeed.

Waxaa Warbixintaan inoo haysa Foos cali cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.