Kismaayo nin noloshiisa ka mareeya raashin Bisil oo gaari gacan uu ku wareejiyo.

0
648

Kismaayo(waamo Radio) Qof walbaa dunidaa ku nool noloshiisa wax uu ku maareyaa wax walboo u arko in uu ka mira dhalin karo hamigiisa islamarkaasina noloshiisa ku maareen karo ma ahan kaliya nolosha in aad tahay ganacsade weyan waa hadba sidii aad awoodo aadna fahami karto waxa aad xirfada uleedahay ama aad ku dhaqaajinkarto.

noloshaada sidii aad ku hormarin laheeyad somaalida ayaa dadka lagu tilmaamo waxwalbo oo shaqo ah in ay ka soo bixi karaan taasoo ah heeyabada uu alle ku maneestay aan kaga duwnahay dalal badan oo dadkooda haba yaraate noloshooda kaafin karin iyaga oo heli kara in ay maareyaan Cali Cismaan Maxamed oo ku magac dheer JJ compani  shaqsi ku xamaasha waxaa uu gaari gacan ku iibiyaa cunooyinka ka sameysay dalagyada dalkeena hooyo iyo biyo lacabo qaybahooda kala duwan oo iyana ka sameysan khudaar.

waa kamid oo waxyaabaha  uu cabitaan ka dhigo miraha ka bax dalkeena  waa Aabe leh Xaas iyo caruur  kuwaas oo uu nolosha kamaareyaa shaqadiisaan waa muwaadin soomaali ah waxaxaa uu in mudo ah ka shaqeeynaa magaalada kismaayo kadib in mudo ah uu dalka kamaqnaa.

wax uu hada ka yimid dalka Kenya gaar xerayaha qaxootiga dhaadhaab Cali Cismaan jj Cuntada  uu iibiyaa waxaa ay ubadantahay  dalagayada kasoo bax dalkeena  ee looyaqaan  cunooyinka wadaniga sida digirta, galeeyada, salbukada, jabaatiga, sareenka iyo cabitaano uu kasameysan Khudaarta dalka kasoo go,da.

xaaskiisa ayaa habeenkii guriga ku karisa cunooyinka maalintiina waa la iibgeyaa gaari gacankiisa waxaa ku qoran taleohonkiisa gacanta dadka ayaa wax ka wacaan talophonkiisa  kadibna wax uu guryahooda ugu geyaa rashiinka uu sameeyo  marka laga soo tago  Cali Cismaan mareeyanta nolosha wax uu shaqo abuur usameeyay dhalinyaro badan oo iygona ka hela nolol maalmeedkooda.

si aan wax badan uga ogaano ayaan waxaan kawareysanay Shaqadaan waxaana uu inoo sheegay mar uu lahadlayay ideecada waamo in macaamiishiisu ay la dhacasanyihiin cunooyinka uu iibiyo iyo Cabitaalka uu uu miiro.

qaar ka mid bulshadda ku xiran Cali Cismaan oo ka iibsada cunooyinka  ayaa sheegay in ay faaido badan ugu jirto in ay helaan cunooyinka dalka laga soo saaro.

waxaa warbixintaan inoo soo jeedineysa Foos Cali cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.