Sir Alex Ferguson Oo Dib ugu Soo Laabanaya Shaqada Tababare Ee Man United Xagaaga Laakiin Sidaad Moodo Ma Aha

0
521

Manchester United ayaa xaqiijisay in Sir Alex Ferguson uu ku soo laaban doono kursiga keydka Old Trafford xagaagan.

Ferguson oo ka fariistay shaqada tababare sannadii 2013 ayaa ku hogaamiyay United guulo waa weyn mudadii 27ka sanno aheyd ee uu macalinka u ahaa Red Devils.

Ninka reer Scotland ayaa ku hogaamiyay Manchester United 13 koob oo Premier League ah iyo sidoo kale labo koob oo FA Cup ah.

Labo koob oo Champions League ah ayuu sidoo kale Ferguson u qaaday United iyadoo kii ugu danbeeyay uu ahaa sannadii 2008.

Laakiin waa koobkiisii ugu horeysay Champions League ee ay ka qaadeen Bayern Munich sannadii 1999 waxa ku soo celinaya kursiga keydka Old Trafford.

77 jirkaan ayaa tababare u noqon doonaa halyeeyada Man United ee ciyaaray finalkii Champions League ee 1999 waxaana ay la ciyaari doonaan halyeeyada Bayern Munich 20 sannadood ka dib finalkaas caan baxay.

United ayaa 1-0 lagu hogaaminayay markii la galay waqtiga dheeriga ah ee ciyaartii Camp Nou ka hor inta uusan Teddy Sheringham barbareynin daqiiqadii 91aad.

Kooxda Red Devils halkaas kuma aysan joogsanin iyadoo macalinkooda haatan Ole Gunnar Solskjaer uu dhaliyay goolka guusha.

Labo sannadood ka dib habeenkaas, Ferguson ayaa ku soo laaban doona Old Trafford 26ka bisha May ee 2019.

Ciyaartaan waxaa lacag loogu uruurin doonaa hay’ada tabarucaada Manchester United iyadoo ciyaartoy badan oo dheelay habeenkii Barcelona la filayo inay soo laaban doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.