Kulan looga hadalayo Horumarinta Dhalinyarada oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo.

0
441

Kismaayo(Waamo Radio)Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa lagu qabtay kulan looga hadlay  oo looga hadalayay sidii dhalinyarado uga qeyab qaadan lahaayeen  Siyaasada iyo Go’aanada Dalka.

Agaasimaha wasaaradaha arrimaha gudaha jubbaland iyo agaasimaha dhalinyarada iyo cayaaraha iyo masuuliiyin ka socatay wasaaradaha cadaalada garsoorka iyo arrimaha  diinta haweenka iyo xaquuqul insaanka gudoomiyaha degmada kismaayo iyo kana gobolka jubbada hoose  iyo qeybaha kaladuwan ee bulshadda, ayaa ka qeyb galay kulankan, waxana soo qaban qaabisay   hay’aadda SWSC.

Kullanka ayaa waxaa daahfuray agaasimaha dhalinyarada iyo cayaaraha Jubbaland Cabdiraxmaan Xaaji Cabdi ayaa  sheegay in wasaaradda ay u dagsantahay qorsho howleed lagu hormarinayo dhalinyarada.

Afhayeenka salaadiinta jubbaland Ugaas Cumar Xiirey ayaa sheegay in dhalinyarada ay u baahanyihiin garab istaag iyo in la hormariyo

Gudoomiyaha degmada kismaayo Cabdirashiid Cabdullaahi Gooni oo madasha ka hadalay ayaa ku nuux nuuxsaday in dhalinyrada ay u baahan yihiin wacayi galin buuxada iyo in ay helaan shaqooyin.

Waxaa warbixintaan inoo haysa Foos Cali Cabdiraxmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.