Liverpool oo heshiis waqti dheer ku abaal marisay difaaceeda garabka bidix Andrew Robertson

0
540

Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay qandaraaska u kordhisay difaaceeda garabka bidix ee Andrew Robertson, iyadoo u ogolaatay in waqti dheer uu sii joogo garoonka Anfield.

Liverpool ayaa war rasmi ah ay ku soo daabacday website-keeda rasmiga ah iyo boggaga rasmiga ah ay ku leedahay baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter, waxay ku shaacisay in Andrew Robertson ay kala heshiisay inuu qalinka ku duugo heshiis waqti dheer.

War saxaafadeedka rasmiga ah ee kooxda ayaan lagu shaacinin faafaahinta heshiiskan cusub ay ka saxiixatay difaaceeda da’ada yar ee Andrew Robertson.

Wargeysyada “The Times” iyo “Liverpool Echo” ayaa waxay shaaca ka qaadeen in Liverpool ay cusbooneysiisay qandaraaska daafaceeda garabka  bidix ee Andrew Robertson, wuxuuna heshiiskan cusub gaarayaa ilaa iyo mudo dhan 5 sano, wuxuuna baaqi ku sii ahaan doonaa garoonka Anfield ilaa iyo 2024-ka.

Andrew Robertson ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan iyo markii uu ka soo wareegay Hull City aduun lacageed gaaraya £ 8million, wuxuu ciyaaray 56 kulan uu ka hoos shaqeeyay macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.