Dowladda Qadar oo Soomaaliya ugu deeqday gaadiidka gaashaaman

0
464

Muqdisho(Radio Beerlula)- Dowladda Qadar ayaa maanta dowladda Soomaaliya guddoonsiisay tiro gaadiid gaashaaman ah oo ay ugu tala galeen ciidamada.

Gaadiidkan ay dowladda Qadar ugu deeqday Soomaaliya ayay tiradoodu gaareysay 68 gaari waxaana si rasmi ah loogu wareejiyay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed(Amar-dambe) iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Daahir Aadan Cilmi(Indhaqarshe).

Maxamuud Cabdalla A-ghazaal oo ka mid ahaa saraakiishii deeqda ka sidday dowladda Qadar ayaa munaasabadda ka sheegay in deeqdan uu dalkiisa ugu tala galay ciidanka Soomaaliya si ay dowladda uga gacan siiyaan adkeynta ammaanka ugana  adkaadaan waxa uu ugu yeeray argagixisada.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga mudane Amar-dambe ayaa dowladda Qadar uga mahaceliyay kaalinta ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya oo ay ka mid tahay gaadiidka maanta wasaaradda loogu deeqay.

Deeqda maanta ay wasaaraddu ka heshay dowladda Qadar ayaa imanaysa  kadib markii dhawaan taliyaha ciidanka xoogga dalka Daahir Indha-qarshe uu Muqdisho kula kulmay saraakiil ka tirsan Milatariga dowladda Qadar kuwaasoo ballan qaaday in ay gacan ka geysan doonaan tababarka iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya lana garab istaagi doonaan wax walba oo karaankooda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.