Chelsea oo dooneysa inay Gonzalo Higuin kala hortagaan Arsenal kulanka Sabtida….(Lambarkee loo xirayaa?)

0
530

Chelsea ayaa la warinayaa inay heshiis amaah ah ilaa dhammaadka kal ciyaareedkan la gaartay Juventus kaa oo ku aadan Gonzalo Higuain oo iminkaba amaah ku jooga AC Milan.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah inuu 12 bilood oo dheeri ah ku darsan karo qandaraaska waa haddii uu ka soo boxo dhowr bartilmaameed oo la hor dhigay.

Tababare Sarri oo dhaliyaha reer Argentina kala soo shaqeeyay Napoli ayaa doonaya oo ku rajo wayn inuu shaxdiisa ku heysto Higuain marka ay Premier League ku wajahayaan Arsenal Sabtida soo socoda.

Lambarka Inkaarta ka qaba Chelsea ee No.9 ayay u badan tahay in Higuain uu xiran doono haddii uu ku soo biiro kooxda reer London iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in maanta uu tijaabada caafimaad u marayo kooxda Sarri.

Alvaro Morata ayaa dhawaan iska dhigay lambarka 9-aad isagoona u badeshay 29.

Mateja Kezman, Hernan Crespo, Khalid Boulahrouz, Steve Sidwell, Franco Di Santo, Fernando Torres iyo Radamel Falcao ayaa Chelsea u xirtay Lambar 9-aad tan iyo sidii uu kooxda u iibsaday Milkiile Roman Abramovich.

Tokeo la picha la Gonzalo Higuin Chelsea NO.9 shirt

Higuin ayaa Lambarka sagaalaad xiranayay tan iyo sidii uu uga soo tagay Real Madrid uu u xiran jiray Lambar 20-aad.

Milan oo iyana inkaar ka heysata Lambarka 9-aad ayuu Higuin u bareeray inuu xirto markii uu ku soo biiray, waxayna iminka u badan tahay inuu isla lambarkaa u xiran doono Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.